Sahra Cabdi, 52 jir Waxaan ahayn 10 carruur ah, waxaan degganeyn tuulo. Guri wayn. Laakiin wuxuu ahaa sidii qol wayn oo kale oo dhammaan aan seexan jirnay. Waalidkay waxay lahaayeen kun geel ah. Waan maali jirney, waxaan raaci jirnay geela yaryar. Hawadu way wanaagsanayd, wax walba wanaag. Laakiin waxaa jirtay shaqa la’aan. Waxaan iskuulka ku bilaabay 11 jir. Direeys isku mid ah ayaa la qabay, waana la isku dhex jiray wiilal iyo gabdho. Waan wada heesi jirnay subaxdii intaan fasalka la gelin. Macallimiintu wey ku adkaayeen inaan casharka laga soo shaqayn. Mararka qaarkood fasalka ayaa la isku reebi jiray. Iskuulka dabadii waxaan ciyaari jirney kubbada kolleyga ama kubbadda cagta, kadib waxaan saacad la akhrisan jirney waalidka ama macallin gaar ah. Jimcadii waxaan aadi jirney filin. Waxaan jeclaa inaan noqdo jilaa ama fannaanad. Xilligaa waxay Soomaaliya ahayd waddanka ugu fiican Afrika ugu xeebaha wanaagsan. Dagaal hadduusan ka dhicin kama soo qaxeen. Raafi Cali Axmed 12 jir ayaan ahaa kolkaan imid halkan. Dagaal ayey ka soo qaxeen waalidkay. Bulshada Iswiidhen ayaa na caawisay. In laga fekero bulshada kale. Aragtidii iigu horeeysay inuu dal xor ah yahay, boliis leh, wax walba shaqeeynayeen. Dalkaygii waxaas kama jirin. Dagaal ayaa ka socday. Dadkuna wey is dilaan. Aabbe ayaa i tusay gurigii aan deggeneyn. Wuu burburay. Waxaan nahay qoys ballaaran, qaraabo badan. Laakiin dagaalka ayaa na qixiyey. Looma safri karo dalkaa. 11 Waan ka xumaadaa kolkaan ka fekero.
Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above