Fardowsa Axmed, 28 jir 10 sano ka hor ayaan soomaaliya joogay. Waxaa ka socday dagaal. Dadku wey is leeynayeen Waxaan bartaa kalkaaliye caafimaad ama umuliso. Dad badan ayaa kaalmo u baahan. Waxaan dalkan ku imid shan jir. Keli ayaan ku ahaa, waxaan la xiriiray hooyaday oon ooyay: ”Cidna halka kama aqaan, waxaan rabaa inaan soo noqdo.” Waxay tiri: ”May, marka hore wax baro.” Sahra Faarax, 38 jir (Waxaa wareeystay gabadheeda Ikraan Axmed) Midda saameeynta igu yeelatay waxay tahay kolkii ciidanku ey tuulada yimaadeen oo gabdhaha yaryar ey kufsadeen. Cid walba way saameeysay. Dhammaan waa la dhuuntay, 10 ma awoodin inaan dibadda u baxo. Waxaan ku dhuuntay armaajada. Waalidkay ayaa ii digay, waxey ii sheegeen inaanan hadal. Waxey iga difaaceen inaanay middaa oo kale igu dhicin. Waa noloshii iigu xumayd. Maalintii ey askartu baxeen ayaa ahayd maalintii iigu qiimaha badnayd. Waxaan ahayn siddeed carruur ah. Waxaan Jowhar ku lahayn guri wayn. Iskuulka waxaan ku baranney xuruufta. Inaan wax qorno oo akhrino. Wiilasha iyo gabdhuhu isku fasal ayey dhiganayeen. Tacliin ayaan ku hamin jiray, shaqo, guri, baabuur iyo reer. Waxaan rabaa inaan dadka oo dhan u sheego in Soomaaliya ahaan jirtay waddan ay xorriyadi taalo oo aannu u nooleyn sida Iswiidhen. Waxay istaagtay maalintuu dagaalku bilowday. Dhammaanteen way na saameeysay, welina way na saamaynaysaa ineynaan sidii hore u noolaan karin. Gaajo maaha waxa Soomaaliya naga keenay ee waa cabsi.
Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above