Masar iyo waddammo kale oo carab ahi maal-geliyeen ololihii lagu doonayey in xuruufta carabiga la qaato. Cusmaaniyaddu meelna dibadda kama aanay haysan taageero. ”Laakiin qoyskeenna oo dhami wuu bartay farta cusmaniyadda oo wax ku qori jiray,” sida uu sheegay Warsame Cismaan. Yaasin Cismaan Keenadiid wuxuu ku dhashay magalada Hobyo sannadkii 1919, hase yeeshee wuxuu iskuul talyaani ah ku dhigtay magaalada Muqdiosho. Wuxuu qayb ka ahaa dhaqdhaqaaqii xorriyad doonka iyo inuu baahiyo farta cusmaniyadda. ”Wuxuu raacay dhabbadii awoowe. Wuxuu af-talyaani ku qoray buug ku saabsanaa gabyayada iyo sheekooyinka soomaalida. Qaamuuska soomaaliga ayaa noqday howl-nololeedkiisii iyo sidoo kale ururintii qoraalladii taariikhda soomaalida – isu geeyn sagaal buug, ayaan u maleeyn iney ahaayeen – inuu ku ururiyay muddadii u ka howlgalayay wasaaradda hiddaha iyo dhaqanka.” Yaasiin Cismaan wuxuu aqoontiisa badanaa ku soo qaatay Rooma iyo sidoo kale Moosko. Wuxuu yaqiinay laatiinka, gariigga, cusmaaniyadda, talyaaniga, ingiriiska iyo carabiga. Gadaal wuxuu kaga daray luuqadda ruushka. ”Wuxuu Rooma deggenaa muddo siddeed sannadood ah laga bilaabo 1956 oo uu isaga gooshi jiray. Sannad wuxuu deggenaa Rooma, bilna Muqdisho. Kolka uu dalka yimaado wuxuu wadan jiray saxannadii ugu dambeeyey ee Mareeykanka, talyaaniga iyo carabiga. Khamiista iskuulka dabadii ayaan guriga ku dhageeysan jirney. Walaalkay iyo walaashay iga weyn waxay ku ciyaari jireen Ray Charles. Muusikada ayaa ahayd waxa ugu wanaagsan oo aan naqiiney. Deriska ayaa noo iman jiray oo nala dhageeysan jiray.” Yaasiin Cismaan kolkii uu dalka ku soo noqday ayuu kaalin ballaaran ka galay nolosha dhaqanka soomaalida, wuxuuna noqday nin aan muran ka taagnayn inuu guddoomiyo guddigii loo xilsaaray inay ka soo baaraan degaan xuruufta la qaadan doono. Hasee yeeshee sannadkii 1974, isaga oo bartamaha uga jira qoristii qaamuska, ayay dawladdii milateriga ee waagaasi si kedis ah u kala dirtay badankood indheergaradkii iyo shaqaalihii. ”Isaga, keliya waxaa loo daayay xafiiskii uu fadhiyay mushaar la’aan si uu qaamuuska uga sii shaqeeyo,” sida uu sheegay Warsame Cismaan. ”Laba sannadood ma aanu qaadan mushaar. Gadaal ayaa wax looga ballan qaadey, laakiin aanu waxba helin. Shantayadii carruur waxaan ku khasbanaaney inaan hooyo ula safarno aabbaheed oo ku dhaqnaa dhanka xuduudda Itoobiya. Waxaan dusha sare ka saarneyn baabuur xamuul ah oo rakaab badan sidey. Safarkaasi wuxuu qaatay qiyaastii bil. Xuduudda markaanu nimid ayaa hooyo si dhuumaaleeysi ah loogu gudbiyey Itoobiya. Waxaan u maleeyn in qaraabadeen oo halkaa ku dhaqneyd ey dhowr geel ah siiyeen si ay u iibiso oo aan uga helno lacag aan dukaan ku furanno qol guriga ka mid ahaa oo aan qowtul yoomka ka raadsanno.” 135
Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above