Page 138

Codadkeenna, Sawirradeenna

  ”Sannadihii 1940 ayuu qoray in habluhu tacliin dhigtaan, idaacadaha dhageeystaan, wax akhriyaan iyo iney ka warqabaan wax walba oo dhacaya. Wuxuu ahaa xilligii gumeeystaha oo aaneyba jirin dad badan oo iskuul dhigan jirey. Wuxuu inta badan ku fikiri jiray tacliinta iyo in wax la barto. Wuxuu kaloo gabayadiisa u qori jiray sidii dood oo kale, wadahadal u dhexeeya talyaaniga iyo soomaalida iyo sidii gabar iyo islaan wayn oo ka shakisnayd in gabadhu doonayso inay iskuul aado. Awoowgay wuxuu qoray gabay aad u dheer kolkii xoriyadda la qaatay, midkaasina oo uu ku soo qaatay dhammaan waddammada caalamka. Wuxuu gabay ku sheegay dhacdooyinkii 134 caalamka ka dhacey. Isaga qudhiisu iskuul ma dhigan, waagaa ma jirin cid iskuul dhigatay.”   Warsame Cismaan wuxuu sheegay in magaalada Hobyo ay waagii hore ahaan jirtay xarun dhaqan.   ”Waxaa halkaa iman jirey dhammaan gabyaayada soomaaliyeed ee caanka ahaa si ey tartan gabayada ah uga qayb qaataan oo abaalmarin ugu guuleeystaan. Awoowgay wuxuu ku barbaaray cimiladaa, waxaa la bartay in wax la dhageeysto. Meelo kala duwan ayaa laga iman jirey oo dadka laga hor akhrin jirey. Korriimmadaa ayaa xaqiiqdii saameeyn ku yeelatay isaga. Hobyo saldanadda kadib waxay kaloo ahayd xarun dhexe ee dhaqan. Dadyoowgaa ayaa bilaabay dhaqdhaqaaqyadii xorriyadda. Kolkii ey ciidammadii talyaanigu carrigaa yimaadeen oo awooddii qabsadeen 1925 ayey dhammaan intii wax kala garaneeysey u direen Muqdisho oo xabsiga u taxaabeen. Awoowgay laba sannadood ayuu xabsi ku jiray. Maadaama uu ka tirsanaa saldannada ayuu aakhirkii 1934-kii shahaado siiyay boqorkii talyaaniga. Midkaasina oo uu ku qoray inuu Cismaan ahaa shakhsi cid walba aamini karto iyo inuu yahay shakhsi wax hoggaamin kara oo aan qabyaalad ku fekerin.” Xilligii gumeeystaha waxaa jirey iskuullo dad yar u furan oo lagu dhigto carabi, ingiriis iyo talyaani. Somali Youth League waxaa la aasaasey sannadihii 1940, fikirkiisuna ahaa mid siyaasadeed iyo mid luuqadeed oo doonayay iskuullo cid walba u furan. Dhammaan waxaa la doonayey in la barto qorista iyo akhriska af-soomaaliga. Iyo iskuul bilaash ah.   Xisbigii da’da yaraa wuxuu kaloo bilaabay koox suugaan-wadajireed oo mashiinka dhaqaajiya uu ahaa Yaasiin Cismaan Keenadiid. Cusmaaniyadda ayaa noqotay qayb ka mid ahayd halgankii xoriyadda, hase yeeshee noqday wax sahal loo ilaawey kolkii dawladdu ku tallaabsatay 1972 in af-soomaaliga lagu qoro xuruufta laatiinka. Buuggii ugu horeeyay oo lagu tarjumo af-soomaali ku qoran xuruufta laatiinka wuxuu ahaa buuggii qoraagii George Orwells ”Animal farm”, ”Beertii xayawaanka”.   Muddadii ay Soomaaliya ka socotay dooddii la xiriirtay luuqadda ayay xuruuftii laatiinku xaqiiq tahay inay taageero ka heshay talyaaniga halka dhanka kale ey dawladda


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above