Faadumo M Salaad, hoggaamiye dhallinyaro ee ururka Hidde Iyo Dhaqan Qorshihii EREB ayaan ku howlanaa qaybta dhaqanka, qaasatan tababare ciyaaraha qoob ka ciyaarka. Waxaan Iswiidhen imid 2003 aniga oo 17 jir ah. Soomaaliya toos ugama imaan, waxaan 78 markii hore deggenaa Keenya iyo Ugaandha. Muqdisho waxaa mar walba la maqli jirey xabbado, laakiin waa la caadeeystaa kolka maalin walba la maqleyo miinooyin xabbado. Wax lagama soo qaado. Waxaan deggeneyn guri uu reerku lahaa. Kadib waxaan u soo guurney Nayroobi oo aan la deggeneyn ayeeyo kolkii ay hooyo Iswiidhen soo aadey. Kolkii ay heshay deggenaansho ayaan Ugaandha u guurney oo xoogaa la deggeneyn adeer hooyo qaba. Safar dheer ayuu ahaa intii eynaan halka iman. Maxaad u soo guurteen? Waxaa socday dagaal. Hooyo ma doonayn in wax nagu dhacaan. Aabbe ayaa ku dhintay bambo lagu tuurey goob uu fadhiyey oo saaxiibbadii uu ku la shaaheeynayey. Dad badan oo aan naqiinney ayaa la diley. Bishiiba mar ayaa la maqlin ruux aad taqaanay oo la diley. Hooyo markay Iswiidhen timid waxay noo soo diri jirtay lacag. Keenya markaan joogney xorriyad ma jirin. Waan cabsaneeyney. Inta badan guriga ayaan joogney. Nayroobi waxaa ku yaala xaafad lagu magacaabo Muqdishada yar, halkaa waxaa deggan soomaali iyo itoobiyaan oo keliya. Dukaanno soomaali ayaa meel walba ka furan. Sharci kuma aanan laheyn, inta badanna dadkaa ayaa la raadin jirey. Haddaadan sharci heeysan waa inaad boliiska laaluushto. Caadiyan ayay u dhici jirtay. Ugaandha waxay ahayd meel xor ah. Magaalada ayaa la wareegi karey. Sideey ahayd in xaaladdaa lagu barbaaro? Waalidka ayaa ugu welwel badan. Kolka la yar yahay waa un la faraxsan yahay. Laakiin waxaan arkay dhibaato badan. Haddii la arko meeydad maalin walba waa la caadeeysan. Waxaa la arkaa dhiig. Raadkii ayaa meel walba yaal. Waxay ahaayeen hooyo iyo ayeeyo ciddii go’aamisay inaan qaxno.
Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above