yeeshe ciidankiisii ey dib isaga caabiyeen ciidammadii ingiriisku. Sannadkii 1946 ayuu soo jeediyay wasiirkii arrimmaha dibadda ee ingiriisku in soomaaliya la mideeyo oo loo diyaariyo xoriyaddooda. Dawladihii Faransiiska, Midowga Soofiyeeti iyo Mareeykanka ayaa amuurtaa ka biyo diidey. Waxaana koonfurta Soomaaliya gacanta loo geliyey ururka caalamiga ee Qarammada Midoobey (QM), hase yeeshee maamulka loo dhiibey talyaaniga muddo 10 sannadood ah illaa xorriyaddiisa laga siineyo sida qorshuhu ahaa. Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaashii soomaalida ayaa qabey in soomaaliya la middeeyo. Fikirkaa ayey qabeen Sayid Maxamed Cabdulle Xassan iyo Maxamed Siyaad Barre, ahaana inqilaab ooge, madaxwayne iyo keligi taliye intii u dhexeeysay 1969-91, wuxuu ugu godleeyn jirey dawladaha deriska la ah soomaali wayn in la helo. Ururka Al-shabaab ayaa fikirkaa iminka isticmaala si fikirradiisa uu u hirgeliyo. Halkii soomaali wayn laga doonayey waxaa iminka soomaaliya ka jira dawlado ku dhisan qabiil. Inkasta oo soomaalidu ka mideeysan yihiin luuqad, dhaqan iyo diin ayuu haddana ka jiraa burbur xooggan. Sannadihii ugu dambeeyey ayey dalka qaxootinimo iyo dhaqaale darro uga qaxeen qiyaastii malyan ruux. Soomaalida ayaa noqotay qowmiyad caalamka ku baahsan. Shaashadda internetka, telefoonnada gacanta iyo lacagta elektaroonikada la isugu diro ayaa abuurey Soomaali Wayn dhalanteed ah oo ka baahsan xiddigtii shangeeska ee calanka ku taalay. Jaaliyadaha soomaalida ayaa noqdey dawlad reer guuraa casri ah. 33
Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above