Page 31

Codadkeenna, Sawirradeenna

Hooyadii iyo aabbihii bani’aadamka waa Afrika Carriga Geeska Afrika waa hooyadii bani’aadamka. Cilmi-baareyaasha casriga ee nolosha bani’aadamku waxey Geeska Afrika ku tilmaamaan inay tahay hooyadii iyo aabbihii nolosha bani’aadamka. Waa wax lala fajaco in dadka oo dhami meel ka soo wada jeedaan, iney ka wada yimaadeen Aadan iyo Xaawo afrikaan ah, haddii lagu fekero in wakhtiga dib loo jaleeco laba kun oo jiil.   Cilmibaaraha mareeykanka ee culuunta dhaxalka Spencer Wells, kuna xiran National Geographic Society, wuxuu isaga oo tiigsanaya culuunta DNA-da sheegay in bani’aadamku ka soo jeedaan qof keliya oo Afrika ku noolaa qiyaastii inta u dhexeeysa 60 000 iyo 90 000 sannadood hortood. Carriga Geeska Afrika waxaa laga helaa jiilal ka soo jeeda haraagii 25 000 oo sannadood ka hor oo faracoodii laga helo Soomaaliya iyo hareereheeda. 27   Waxa lagu magacaabo bulshada horraantii faraaciinta oo ifka u soo baxay 12 000 sannadood horteed, kuna dhaqnaa dhulka cawska (savanna) ee dalka Suudaan oo xilligaa ey hawadiisu ka qoyanayd kolka loo barbar dhigo maanta. Laba kun oo sannadood dabadeed, xilligii ugu dambeeyay ee xilligii barafka oo heerka biyaha baddu kor u kaceen cimiladuna kululaatay ay sababtay in laga haajiro saxaaraha. Halkaa ayuuna laba ugu qaybsamey dhaqankii bulshadii afro-asiyaatigu: mid waqooyi iyo mid koonfureed oo yeeshay laba luuqadood.   Luuqadda soomaalida maanta ayaa ku abtirsata qoyska kushiitiga ee omo-tana oo asalkiisu ka soo jeedo agagaarka webiyada Omo iyo Tana ee agagaarka warta Turkaan oo dhacda dalka Keenya. Bulshadii ku socdaali jirtay webiga Tana illaa waqooyiga Keenya iyo bad waynta Hindiya ayaa yeelatay luuqad u gaar ah ee lagu magacaabay Sam. Waxey dadyoowgaasi ahaayeen beeraley iyo xoolo dhaqato ku dhaqneyd koonfurta dalka maanta lagu magacaabo Soomaaliya, waxeyna ku magac dheeraadeen Samaale ama Soomaal.   Dalka Soomaaliya waxaa laga helaa sawirrada godadka lagu sameeyo ee ugu qadiimsan, sida godka Laas Geel, halkaasina oo culimo uu ka mid yahay Michael Hodd uu buuggiisa ”East African Handbook” qabo in da’doodu tahay qiyaastii 11 000 oo sannadood. Wixii ka horeeyay Islaamka ayay Soomaaliya ka jireen aaminsanaanta ilaah keliya. Adduunka mala awaalka soomaalida ayaa ku xirnaa jaceeylka u dhexeeya lo’da iyo geeskeeda. Adduunka oo dhan ayaa loo heystey inuu ku dheeli tirnaa geeska dibiga oo mar walba oo lo’daasi dhinac eegtaba ay masiibo dhici jirtay Qisada lo’da iyo dibiguna waa mid uu buuggiisa ”Gifts” wax kaga qoray, qoraaga wayn ee soomaaliyeed Nuuradiin Faarax.


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above