Page 229

Codadkeenna, Sawirradeenna

Shukri Ibraahim, 56 jir (oo Soomaaliya ay telfoon ku wareeysatay gabadheeda Hana Cabdullaahi) Dhacdo qiimo ii leh waxay ahayd markaan aabbahay la kulmay, oo aanan arag wixii ka dambeeyay dhalashadeeydii. Mar walba oo aan hooyo weeydiiyo waxay igu oran jirtay wuxuu iman sannadka soo socda, laakiin markii aan la kulmay markii ugu horeeysay waxaan ahaa 15 jir. Markaan arkay ayaan ooyay.   ”Aabbahay, xaggeed jirtay maalmahaa oo dhan?”   Wuxuu iigu jawaabay:   ”Waxaan ku jiray xabsi.”   Hooyaday waxay ahayd umuliso oo waxay ka shaqeeyn jirtay cisbitaal Muqdisho ku yaalay. Qooysku wuxuu ahaa shan ruux waxaannuna deggeneyn guri wayn dabaqiisa saddexaad. Wuxuu ka koobnaa afar qol iyo jiko. Ilmaha ayaa ka caawin jiray xaaqidda guriga jimcooyinka.   Waxaan xasuustaa iskuulka in aan ka heli jiray, waan akhrin jirney, qori jirney, heesi jirney iyo tartan. Macallimiintu waxey isugu jireen soomaali iyo talyaani, waxeyna ahaayeen masaakiin naxariis badan. Wiilasha iyo gabdhuhu waxey wada dhigan jireen kalaas waxaanuna qaadan jirney dhar iskuulka u gaar ah. Iskuulka kadib waxaan jeclaa inaan boliis noqdo, waxaanan galay waxbarsho sannad ah.   Soomaaliya waa waddan caadi ah, sida waddammada kale. Bulshada halka ku dhaqan uma fekeraan oo keliya si khaldan. Waxaan weli ku suganahay magaaladii aan ku dhashay, Muqdisho, laakiin carruurtaydii wey ka tageen dalka iyadoona ey ugu wacan tahay dagaallada sokeeye ee dalka ka socda balse waxaan rajayn in maalin maalmaha ka mid ah ey dib ugu soo laabtaan. 225


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above