Shariifo Xaashi (oo ay wareeysatay gabadheeda Naciima Cabdullaahi) Waxaan dhashay sannadkii 1947, waxaanan ku koray magaalada Lafoole. Waalidkey waxey ahaayeen reer guuraa, waxeyna dhaqan jireen lo’ iyo ido. Waxey joogi jireen goob cidla ah; waxay ahayd lama degaan, waxaa meeshaa deggenaa qoyskeenna iyo qaraabadeen oo keliya. Guriga ayaan ka shaqeeyn jiray oo aan ka caawin jiray waalidkay xoolaha. Iskuul sidiisaba ma jirin. Yaraantaydii waxyaabaha aan ka xasuusto waxaa ka mid ah inaan dhuudhuumashow la ciyaari jirey ilmo adeertey iyo walaalahay, caga caddaan ayaan ku carcari jirney annaga oo cagaha ka dareemi jirney ciidda wanagsan. Ilmo farxad leh ayaa naga iman jirtay markaan qosolno. Riyadeeyda yaraantii waxay ahayad inaan adduunka u soo baxo. Markaan dhowr iyo toban jirsaday ayaan Muqdisho u guurney waxayna ii ahayd nolol cusub. Sababta aan dalkayga uga soo qaxay waxay ahayd dhibaatada ka dhacday. Waxaan kaloo rabay inaan baalashayda tijaabiyo. Soomaaliya dadka oo dhami wey faraxsanaayeen dabaqad kasta oo ey ahayd. Carruurtayda korriimmadooda ey Iswiidhen ku koreen waxay ka macne ahayd iney suurtagal u heleen horumar wixii ey doonaan, laakiin niyad iyo xiise uma hayaan sida dhallaankii Soomaaliya. Maxamed, 23 jir Haddii taariikhda dib loo jaleeco waxaan dhammaanteen leenahey awoowe keliya. Way wanaagsan tahay in gefkaaga iyo gefafka kale wax laga barto. Waxaa naga lumay 20 sannadood in ka badan. Waxaanu ahayn waddan ka mid ah waddammada Afrika ugu horumarsan. Dagaalkan ayaa nolosheyda oo dhan ila socday. Waalidkeen waxey u soo taagnaayeen kolkii Soomaaliya ay xorriyaddeeda qaadatay, waxaana jira sheekooyin badan oo xilligaa laga sheego, korriimmadoodii, xilligii ey iskuulka dhiganayeen, kolkii ey da’da yaraayeen, xilligoodii caashaqa. Waxey ahaayeen waxyaabo ey u soo joogeen oo aan jeclaan lahaa inaan aniguna u soo taagnaa. Waa iney jiraan dhacdooyin dib loo cuskado si horay loogu socdo. 217
Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above