Page 209

Codadkeenna, Sawirradeenna

Xorriyatul qowl ma ka jiraa Soomaaliya? Lama sheegi karo wixii la doono. Waxaan leeyahay saaxiibbo ka shaqeeya idaacadaha qaar badan oo ka mid ahina waa la xabbadeeyey ama loo hanjabey ama xabsi ku galey iney dhaleeceeyeen dawladda ama koox gaar ah. Ururrada xagjirka waxey miinooyin ku aaseen agagaarka idaacadaha. Xaqiiqdii ma jirto xoriyadda saxaafadda. Waxaa lagu khasban yahay in laga hadlo arrimmo halis ah. Sida ugu dhakhsiyaha badan ee aad wax u dhaleeceeyso waxaa soo baxaya cid aan ka helin. Way adag tahay in fikirkaaga aad sheegato. Waxaa laga baqaa in fikirkaagu uu naftaada kasbado. Mashruucyaashaa aad ku soo shaqeeysay faa’iido ma leeyihiin? Waxaa la dareemaa in lacagtu iska soo daba dhacdo iyada oo ey ka dambeeyaan fikirro isku mid ah oo aan guulo lagu gaarin. Waxaa jira ururro fara badan oo bixiya waxbarasho isku mid ah. Iskuduwiddu iney ka wanaagsanaato ayay ahayd. Haddii uu shakhsi helo afar aqoon xirfadeed muddo saddex sannadood gudahoodd ah oo aaney wax howl ah u horseedin waa in la is weeydiiyo in loo baahnaan lahaa in xoogga si kale loo isticmaalo. 205 Waayeel soomaali ah ayaa sheegey heesihii ey ku ciyaari jireen. Waa sidee iminka? Waxaan la kulmay soomaali xoogaa da’ ah waxey bilaabeen iney qaadaan heesihii Ray Charles iyo heesihii hore ee labalabada loo ciyaari jirey. Haddaad ogaan lahayd sida ey farxadda u ahayd xilligaa, ayey yiraahdeen. Waxaan hayaa sawirro aabbahay iyo hooyaday ee xilligaa, waxey sitaan dhar aad u qurux badan cambuur, suun dhexda looga xirtay iyo timaha oo kor loo taagey. Waxaa laga soo qaatay dhaqankii galbeedka. Waxaa soo jiidan jirey heesihii sannadihii 60 – 70-kii. Waxaa jirey diskowyo fara badan. Maanta ma sidaasaa? Maya, ma ahan, marna. Maxaa bedelay dhaqankii galbeedka? Islaamka. Kolkii Barre uu meesha ka baxay diinta ayaa xoogaysatay. Waxaa la baadigoobey aqoonsi hor leh. Wixii intaa ka dambeeyay waa ey un sii xoogaysatay. Muqdisho ma ka duwan tahay halkii aad deggenayd? In badan. Muqdisho la iskuma halayn karo. Waxaa mar walba imanayey qaxooti hor leh. Waxaan rajayn inaan helno dawlad shaqeeynaysa, dawlad dhexe. Soomaaliya weligeed ma aaney yeelan dawlad ka madax bannaan qabiillada. Waxaan rajeeyn inaan halkaa gaarno maalin un oo aan ka maaranno.


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above