Page 207

Codadkeenna, Sawirradeenna

aan weligii halkaa tegin, laakiin muddo ayey waxakani socdeen si baaritaan dhab ah loogu sameeyo: muxuu ku saabsan yahay, ma wax aan u baahnahay inaan ka welwelaa? Goormaa loo baahan yahay in laga welwelo? Markaad aragto inay sii xumaaneyso, markay halistu gaarto inaan albaabka laga bixi karin. Dadku wey barteen iney kala gartaan in dagaalku iyaga quseeyo iyo in kale. Yaa dagaalamaya? Ajnabi ahaan mashaariicdayda ma sii wadan karaa? Handadaad ma la dareemayaa – ma lagu tilmaansanayaa, ma urur aragagixisaa – waa in la xiro howlaha. Nacas lama ahan. Laakiin haddey yihiin laba qabiil oo kala aarsanaya anigaygan ku shaqeeya mucaawinnada ima khuseeyso.   Mashruuc kale oo laga wadey koonfurta soomaaliya ayuu urur argagixiso go’aansaday in dhammaan shaqaalaha mucaawinada caalamiga la eryo. Shaqaalihii waxey go’aansadeen in habeen barkii la daadgureeyo. Maalintii ku xigtay ayey yimaadeen koox al-Shabab ah xafiiska wixii yaalay qaateen. Al-Shabab ayaa qaar badan oo ururradan ka mid ah u arka iney u basaasaan galbeedka. Muddo intee le’eg ayaad joogtay Soomaaliya? Qiyaastii saddex sannadood. Sawir argagax leh ayaan ka heeystay dalka. Diyaaraddu markay degeeysay aad ayaan u cabsanayey oo is weeydiiyay waxa aan sameeynayo. Waxaan ku fekeray: hagaag, lix bilood, dabadeed waan isaga soo tegin. Saddex sannadood dabadeed ma aanan doonayn inaan ka soo tago. Waan caashaqay dalka. Haddii aanu ahaan laheyn reerkeeyga waan sii joogi lahaa, laga yaabee inaan degiba lahaa. Maxaad ugu fekertay inaad sii joogto? Dadka. Dabeecadda. Cadceedda. Dhammaan aad baan u caashaqay. Waxaa iga cajabiyay dhaqanka iyo luuqadda. Marar badan ayaan maqlay in la yiraahdo Soomaaliya inay tahay qaran gabyaa ah, waana xaqiiq. Koobaabin wayn ayaa loo fadhiyaa oo siyaasad laga hadlin iyo sidii loo xalin lahaa. Weeraha gabayga ayaa xambaarsan culuun iyo xigmad.   Waa dhaqan af ah, sidaa ayaa la isugu sii sheegaa. Waa la wada hadlaa. Taariikhda waxaa la isugu gudbiyaa jiilba jiil. Waxaa la arkaa carruur dabka hareeraha ka fadhida oo dhageeysaneeysa dadka waaweyn oo xigmadda ka guranaya.   Shaqadeydu waxay ahayd mid xafiis, laakiin dadyowga aad la kulanto ayaa qalbadda ku taabanaya. Gaar ahaan qaxootiga ka yimid koonfurta Soomaaliya ayey la soo gudboonaadeen dhacdooyin ku damqinaya. Waa gabdho yaryar iyo wiilal oo lumiyey wax walba. Waxey u nool yihiin maalintaa un. Cadaalad darro ballaaran ayaa ka jirta, waxaa 203 jira fakhri badan.


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above