Xakiima Warsame, 20 jir Middan ayaa iga qabsatay kolkaan Soomaaliya tagay 2011 aniga iyo hooyaday. Waxay ahayd xilligii fasaxa iskuulka. Hooyaday waxay ii sheegtay maalin inaan qaraabaday la kulmeyno, markaasay soo kaxeeysay qofkii ugu foolxumaa. Waxayna ii sheegtay in la ii guurin doono. Waxay igu tiri: ”Guurso ninkan wuxuu leeyahay lacag waxaadna tihiin isku qabiil!” Baqdin ayaa i gashay oo waan ooyi gaaray. Wuxuu fadhiyay hooyo agteeda oo ilka cadeeynayay, anigase waxaa ii muuqday oo keliya nin wayn oo fool xun. Wuxuu ahaa qiyaastii 28 jir. Iswiidhishka oo aanu fahmayn ayaan hooyaday ku weydiiyay inay ka dhab tahay iyo inay igu kaftameeyso. ”Ma doonayo ninkan. Haddiise aad isku daydo inaad igu khasabto nafta ayaan iska jarin.” Waxay ii sheegtay inaan qof wayn ahay oo go’aanka aan anigu leeyahay, laakiin ay ku faraxsanaan lahayd haddii aan guursado cid ay garaneeyso oo ka tirsan isla qabiilkeena. ”May, hooyo, ha ku fekerin middaa. Waxaana Iswiidhen ii jooga wiil aan saaxiibbo nahay oo aan jeclahay oo aan rabo inaan guursado. War kama hayo qabiilka uu ka dhashay. Labadayaduba waxaannu nahey soomaali iswiidhish ah.” Hooyaday way aqbashay. Ninkii ayay u sheegtay inaanan doonayn inaan guursado cid aanan garanayn. Wuxuu iigu jawaabay in aanan anigu go’aanka lahayn. ”Waalidkaa ayaa go’aanka leh. Waa inaad iyaga dhageeysataa oo aad aqbasho waxey ku yiraahdaan, haddii kale gabar fiican ma tihid.” Laakiin hooyaday waxay tiri in aanay doonayn inay gabadheeda khasabto. Aad buu u xanaaqay wuuna iska tagay, wixii intaa ka dambeeyay ayaan raaxo ku qaatay dalkaygii. 181
Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above