ee ka howlgala halkaa, waxey ii noqdeen buundadii noo dhexeeysay aniga iyo bulshada.” Toban sannadood dabadeed isaga oo ku howlgala bare luuqadda hooyo ayuu u soo taagnaa Maxamed Shiikh Xasan qaxii ugu ballaarnaa ee soomaalidu ku timaado Iswiidhen. 152 Dalkii hooyo ayaa burbuay 1991, waxaana xigay sawaxan la’aan; aad ayay u sahlan tahay in dhaqanka la burburiyo, sheekooyinka, taariikhda iyo xusuustaba. ”Waxaa yimid dhallaan aan waxba qorin, oo muddo ku dhaqnaa xeryo qaxooti oo aan iskuul tegin. Aasaaska ayaan ka soo bilowney. Maadaama aaney jirin buugag soomaali ku qoran waxaan u socdaalay London, halkaasina oo aan ka soo koobiyeeyay. Dabadeed waxaa igu dhashay fikirka ah inaan la xiriiro hayadda maamulka iskuullada oo aan u sheego baahida sii kordheeysa. Waxay naga taageereen sidii aan ku soo saari lahayn afartii, shantii buug ee ugu horreeysey. Markaa ayay ii muuqatay in loo baahan yahay madbacad in la bilaabo.” Muqdisho wuxuu Maxamed ku lahaa kaar uu buugagta kaga soo deeynsado madxafkii buugagta ee mareeykanka. ”Iskuulka waan ku fiicnaa, intaa waxbaan akhrin jiray. Agatha Christie, Charles Dickens. Guriga waxaannu kaga hadli jirney ingiriis iyo soomaali. Aabbe wuxuu ahaa macallin awoowena wuxuu sagaal buug ka qoray islaamka. Mid walba oo gacanta lagu qoray wuxuu ku qornaa carabi. Madbacado ma jirin.” Iminka waa 2014, dhowaantanna wuu afartan jirsaday qoristii af-soomaaligu. Laakiin Soomaaliya wax lagama qoro, xarrummihii dhaqammadu wey burbureen, dilkii ayaa ka xoog batay qalinkii, cidii u saaxiibka ahayd qalinka iyo afku waxey ku dhaqan yihiin qurbaha, gaar ahaan Yurub iyo waqooyiga Ameerika. Iswiidhenna waxay noqotay xaruntii dhexe ee suugaanta soomaalida. Sidaa daraadeed ayuu ku sugan yahay xarunta tareemmada ee Jakobsberg si uu u tuso waddada loo maro maqaasiinka buugagta, halkaasina oo dad kale ugu raseeysan yihiin alaabada guryaha iyo dhallooyinka iyaga oo sugaya furihii maqaasiinkii ey ku xereeyn lahaayeen. Maxamed Shiikh Xasan ayaa ka jabqinaya qufulka dabadeedna furay albaabkii caddaa ee maqaasiinka. Waa kuwan: Madbacadda Scansoms maqaasiinkeeda, ma ahan buugag sidaa u badan, hase yeeshee waxey gaareyaan illaa 350 nooc oo buug oo ah soomaali ama soomaali iyo ingiriis; buugagta carruurta, gabayo, heeso qoran, xoogaa sheekooyin ah iyo aflaan, buug kan cuntada ee dhallaanka iyo buug uu dusha sare kaga jiro jildi koox baasketka. Waxaa kaloo maqaasiinka yaala laba buug oo ka mid ah kuwii ay qortay Gunilla Bergström ee buugagta Alfons oo ku tarjuman af-soomaali. Si ay iigu degto waa inuu dhowr jeer iigu celceliyo: ”Saddex daloolow labo dhammaan buugagta soomaaliga ku qoran ee la soo saaro waxey salka ku hayaan Iswiidhen.”
Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above