143 Cismaan Yuusuf Keenadiid Cismaan Yuusuf Keenadiid wuxuu ku dhashay Ceel Xuur 1899, waa magaalo xeebeed dhacda bartamaha Soomaaliya. Aabbihii Yuusuf Cali, oo lagu naaneeysi jirey Keenadiid, wuxuu ahaa abuurihii saldanadii Hobyo oo xarunteedu ahayd isla magaalada Hobyo. Xarunta saldanada waxaa tartanno loogu qaban jirey gabyaayada iyadoona goor hore uu xiisaha uu u hayo dhaqanka iyo suugaanta ay bilaabatay Cismaan. Wuxuu si sahlan ku bartay yaraantii dhaqanka soomaalida iyo habdhiska weeraha (sida gabay, geeraar iyo jiifto) laxanka iyo dhismaha, yaraan ayuu dusha uga akhrin jiray gabayadiisa. Gabayadiisa badankood wuxuu tiriyey xilligii gumeeystaha iyo muddadii halganka xorriyadda loogu jirey. Gabaygiisa caanka ah ee wiilasha iyo gabdhaha ayaa xambaarsanaa in laga wanaagsan yahay in la door bido in wiilal la dhalo. Wiilasha iyo gabdhaha ayaa gool wada gaari kara haddii suurtagal isku mid ah la siiyo. Cismaan Yuusuf Keenadiid waxaa lagu xasuusan doonaa inuu abuuray farta soomaaliga ee cusmaaniyadda, middaasina oo uu horumar ku sameeyay sannadihii 1920. Waa xuruuf cajiib leh oo salka ku haya dhawaaqyada soomaaliga kolka lagu hadlayo. Luuqaddu waxay leedahay 22 shibbane iyo 8 shaqal. Waxaa laga soo akhriyaa dhanka bidix oo loo akhriyaa dhanka midig iyadoona la isticmaali jirey illaa laga qaatay xuruuftii laatiinka ee sannadkii 1972. Isla sannadkaa ayuu Cismaan Yuusuf Keenadiid ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above