Muqdisho isagoo gadaal ka noqday madaxa laanta hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliya, wuxuu kaloo fadhiyay akadeemiyada farshaxanka iyo dhaqanka xubinna uu guddiga ka ahaa. Waana guddigii go’aamiyey sannadkii 1972 xuruuftii la qaadan lahaa si af-soomaaliga loogu qoro carabiga, laatiinka iyo cusmaaniyada. Waxaa waagaa la go’aamiyey in la qaato xuruufta laatiinka. Qaamuuskii soomaaliga ee Yaasiin ayaa noqday midkii ugu horeeyey taariikhda iyo sidoo kale mid ka mid ah qaamuusyadii ugu horeeyey ee ku qoran afafka afrika lagaga hadlo. Wiilkiisii ayaa ku dhaqan magaalada Malmö laga soo bilaabo dhammaadkii 1980, ahna guddoomiyaha urur-dhaqameedka Hidde Iyo Dhaqan. Isaga oo ka tallaabo qaadaya taariikhda qoys qotodheer oo ey midabeeyeen suugaanta gabayada, culuunta luuqadda iyo siyaasad-dhaqameed ayuu Warsame Cismaan ka dhabeeyey dhaxalkii halgankii xoriyadda iyo dimoqoraadiyeeynta. Waxaa la oran karaa inuu yahay sidaha riyadii ahayd in afka wanaagsani uu sabab u yahay bulshada wanaagsan. Warsame Cismaan wuxuu sheegay in awoowgii uu ku barbaaray magaalada Hobyo, halkaasi oo ay ka talinaysay saldanno soomaaliyeed oo walaalkii uu hoggaaminayay. ”Waxaa mar walba dhici jirey iska hor imaad, awoowe wuxuu ka soo hor jeeday walaalkii oo ma uusan jeclayn saldanadda. Ma aanu xiiseenayn iska soo horjeedka siyaasadeed, isagoona deegaan ka dhigtay tuulo magaalada ka baxsan. Wuxuu doonayay inuu wax qoro.” Saldanadda ayuu aasaasey Warsame Cismaan awoowihiisii labaad sannadihii 1870. Midkaasina oo gumeeysigii talyaanigu u masaafuriyay dalka Eriteriya, maadaama uu u arkayay inuu xiriir la lahaa xoogaggii Sayid Maxamed ee la dagaalamayey. Curadkii ayaa saldannadii la wareegay, halka uu wiilkii ka yaraa ee Cismaan Keenadiid uu ku mashquulay qorista gabayada isagoona ku bilaabay afka carabiga, hase yeeshee uu dabadeed ku qoray xuruuftii uu isagu aasaasay, kuwaasina oo ku habboonaa luuqadda soomaaliga. ”Awoowgay ayaa gurigiisa ku sugnaa markii uu xuruuftan allifayay,” sida uu sheegay warsame Cismaan. ”Xuruuftii cusmaaniyadda aya la dhameeystiray sannadihii 1921-1922. Waxaa la bilaabay in la daabaco wargeeyso iyo buugag ku qoran xuruufta cusmaaniyadda. Dhaqdhaqaaqii xorriyad doonku waxay waraaqaha isugu qori jireen xuruufta cusmaaniyadda maadaama aaney talyaanigu aqoon u lahayn. Luuqad ahaan waxaa laga xoroobey carabigii, waxay sidoo kale kalaguur u noqotay luuqadda qudheeda iyo in dabadeed lagu qoro xuruufta laatiinka. ”Cusmaaniyadda la’aanteed waxaa maanta soomaaliya wax lagu qori lahaa xuruufta carabiga.” Cismaan Yuusuf Keenadiid gabayadiisii waxey inta badan xiriir la lahaayeen waaqiciga bulshada. Wiilka uu awoowga u yahay ayaa ku sifeeyay inuu ahaa ruxii ugu horeeyay ee wax ka qora sinnaanta wiilasha iyo gabdhaha. 131
Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above