Page 124

Codadkeenna, Sawirradeenna

Talyaaniga iyo Kanada. Halkaa ayaan ka bilaabay shaqo aan buuxin ee raadiyaha iyo tv-ga, iyo inaan dano furto.   Awal waxaan qaadi jiray heeso jaceeyl ah, laakiin hadda waxaan qaadaa heeso waddani 120 ah. Waxaan ka faalloodaa Soomaaliya waxyaabaha ka dhaca, ilmahayagu sidey u nool yihiin. Dadka ayaan ku baraarujiyaa. Waxaan leeyahay rajooyin badan. Carruurnimadaadii wax ma ka warami kartaa? Muqdisho waxay ahayd magaalo ammaan ah, magaalo deggan. Waxaa la tegi jirey xeebta, waxaa la aadi karey halkii la doono. Mararka qaarkood waxaa la seexan jirey geed hoostii. Cid duqsi korkaaga saaran duulin kartay ma jirin. Waxay ahayd magaalo ammaan oo qurxoon. Mararka qaarkood waan ilmeeyaa markaan Muqdisho ka fekero. Fiidadkii waxaa la ciyaari jirey muusik, dadku way ku ciyaari jireen. Waa la heesi jiray, wax la cabi jirey, badda lagu dabaalan jirey. Magaalo qiimo badan ayay ahayd. Waxaa jirey ciidammo nabadda ilaalin jirey. Waxaan rajeeyn intaan noolahay inaan arko Muqdisho oo nabad ah.   Waxaan jeclahay kolka dadku kulmaan oo wada heesaan oo la xasuusto sidii dalku ahaan jiray. Rajadu weligeed ma dhimato. 23 kii sannadood marna Muqdisho ma tagtay? May. Suurtagal maaha. Waan ka baqayaa. Halka ugu dhow oo aan tagay waa Jabuuti.   Waxaan Malmö ku dareemayaa gurigaygii. Waxaan halka u imid inaan heesta calanka qaado 1-da luulyo halkanna waxaa jooga soomaali kulantay oo sheekeeysaneysa. Meel walba oo aan caalamka ka tagno waxaan kula kulannaa soomaali. Bulsho caalami ah ayaan noqoney. Jiilalka yaryari soomaaliga kuma hadlaan wax badan; waxey ku hadlaan ingiriis, jarmal, iswiidhish. Ilmaha ayaan la wareegaa si aan soomaaliga u baro. Waxaa naga dhexeeya dhaqan, waxaan leenahay heesahayaga, laakiin iyagu ma garaneyaan. Waa wax lumay. Meel walba oo aan tago waxaan hooyooyinka ku iraahdaa iney ilmahooda soomaali kula hadlaan. Waxaan isu dareemaa sidii macallin oo kale, macallin dhaqan.


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above