Page 116

Codadkeenna, Sawirradeenna

aniga oo isku tirinaya ruux ka duwan oo tacliin leh, Ayaan ku soo dhex dhacay doorasho 112 qabiil ku saleeysan. Qabiil keliya ayaa la hadal hayey, qabiil, qabiil. Jahwareer ayaa lagu sugnaa. Cid walba nafteeda ayay ka fekereeysay. Ma jirin cid wanaagga dalka ku taameeysay. Dhibaatadu middaa ayay ahayd.   Welina waa sidii un. Waa waxa Soomaaliya burburiyay oo halkaa dhigay. Haddii aadan wax tacliin ah lahayn, maxaa la sameeyn? Qabiilka ayaa la aaminin. Maxaa qabiilka loo aaminsan yahay? Maadaama ammaan lagu dareemeyo. Qabiilku waa kii lagu badbaadi lahaa. Laakiin haddaad qabiil daciif ah ka soo jeeddo kuwa kale ayaa ku dilin.   Midda kale waxay ahayd in xoriyaddii dabadeed xildhibaannada laga soo doortey gobollada oo ey qabiilladu hoggaaminayeen. Qabiil ayaa 4 illaa 5 xubnood ku lahaa baarlamanka. Yaa u soo dirsadey Muqdisho? Waxey ahaayeen ciddii ugu qabyaaladsanayd. Waa dhibaatada weli iminka na heeysata. Haddii la dooneyo in Soomaaliya hor u marto oo shaqeeyso waa in la doorto dadyoow fahmeya dhibaatooyinka bulshada. Waa iney ka qeyb geliyaan dalka dhammaantii, oo aan ahayn qabiilka keliya iyo naftiisa. Aqoon yahanno ku wanaagsan howlahooda ayaannu u baahannahey. Dhibaatada oo dhami waxay isugu biyo shubaneeysaa aqoon la’’aan.   Waxaa la aaminsan yahay in Soomaaliya ay fakhri tahay. Ma ahan xaqiiqdii. Soomaaliya waxay leedahay xeeb dhererkeedu gaarsiisan tahay 330 miil. Bad waynta Hindiya waxaa ku jira nooc walba oo kalluun ah. Waxaannu leenahay xoolo. Waxaannu leenahay webiyo. Shacabkayagu ma badna, qiyaastii Iswiidhen oo kale. Waa waddan wayn oo qani ah. Shidaal baaris ayaa la bilaabey 1956, dabadeed waxaa la heley gaas. Lexi jecli iyo dagaal ayaa horumarkii hor istaagey. Xaaladda dalku waa sidee maanta? Muqdisho waxaa ka jira laba illaa saddex jaamicadood oo gaar loo leeyahey, wax kale ma jiraan. Isbitaallo ma jiraan, haba yaraatee, wax walba waa la burburiyey. Waxaa ila soo xiriirey dad doonayey inaan dib u laabto oo wax dhigo. Laakiin ammaan maaha weli. Maxaa ugu muhiimsan dhallinyarada soomaalida ee reer Iswiidhen? Udub dhexaadku waa iney fahmaan iney soomaali yihiin. Waxaa looga baahan yahay iney xushmeeyaan goobta ey ku sugan yihiin. Iswiidhen waxey u yimaadeen sabab keliya: iney ku noolaayeen waddan aanu sharci ka jirin. Halka waa iney xushmeeyaan xeerka dalka u degsan. Waa in la xushmeeyo bulshada ku caawisa oo wax walba oo aad u baahan tahay ku siisa.   Iswiidhen albaabadeeda ayay furtay. Tacliin ma doonaysaa inaad barato? Haa, wax


Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above