Siday ahayd Soomaaliya waagii aad yarayd? Xilligaa Soomaaliya xoriyaddeeda ma aanay helin. Waxaan ku hoos jirney gumeeysigii talyaaniga. Iskuulka waxaan dhiganayay sannadihii 1950-meeyadii. Macallimiintu talyaani ayey ahaayeen. Waxaa wax nalagu bari jirey af-talyaani. Tacliintu aad bay u fiicnayd. Ardeyda badankood waxey ahaayeen talyaani, ardeyda soomaalidu wey yaraayeen. Tacliintu bilaash ayay ahayd. Dhanka kale waxaa iyaguna jirey iskuullo ey carabi leedahay. Qaasatan waalidiinta diinta ku adkaa waxey ilmahooda u diri jireen dugsiyada 110 carabta. Anigu waxaan lahaa nasiib, waayo tobankii sannadood ee talyaanigu xoriyadda gaarsiin lahaa Soomaaliya ayuu diyaarinayay ciddii xukunka la wareegi lahayd xoriyadda dabadeed. Dhallaanka badankood nasiib uma aaney helin wax-barasho. Waalidiin aad u yar ayaa gabdhahooda u diri jirey iskuul. Waalidiin aad iyo aad u yar. Caqligaa ayaa xilligaa shaqeeynayay. Waalidiinta qaarkoodna ma aaney dooneyn iney dhallaankoodu dhigtaan dugsiyadii uu maamulayey isticmaarkii talyaanigu. Gumeeysigii talyaanigu ma ka duwanaa gumeeysiyadii kale? Wey ka duwanaayeen. Ma aaney dhicin midab takoor sidii Koonfurta Afrika. Xaqiiqdii way jirtay kala sarreeyn gumeeytuhu watay. Waxey ahaayeen sida la yiraahdo ”niman caddaan ah”. Gumeeysi ayey wateen si ey dhulka gacanta ugu dhigaan. Soomaali badan ayaa ku geeriyootey intii gumeeysiga lala dagaalamayey. Soomaalida qudheeda ayaa kala qeybsaneeyd; qaarkood talyaanigu inuu sii joogo ayey doonayeen, qaarkoodna xorriyad ayey doonayeen. Gumeeysi weligii waa gumeeysi, laakiin waxaan qabaa inaannu aheyn gumeeysi sidaa u xun. Siday kuugu suurtagashay inaad iskuul dhigato? Xilli ku habboon da’ ku habboon ayaan ku soo aaday. Aabbahay ganacsade ayuu ahaa. Wuxuu jecleeystay inaan iskuul tago. Reerka waxaan ahaa qofkii ugu horeeyay ee iskuul dhigta. Waxaan lahaa laba wiil oon walaalo nahay oo iga weynaa iyo gabdho, laakiin suurtagalkaa ma aaney helin. Dabadeed dibadda ayaad aaday. Soomaaliya markaad ku soo noqotay is bedel wayn miyaa ku dhacay? Is bedel aad u wayn. Xukunkii ayaa is bedelay, waxaa markaa jiray dawlad soomaali ah. Laakiin waxaa kaloo jirey dhibaatooyin fara badan. Xisbiyo soddomeeyo gaareya oo awoodda ku tartamayey. Naxdin ayey ahayd. Kolkii aan Soomaaliya ku soo noqday,
Codadkeenna, Sawirradeenna
To see the actual publication please follow the link above